Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa u magacaabay Ashraf Salem Zaher inuu noqdo Wasiirka cusub ee Difaaca iyo Madaxa Sare ee Warshadaha Milateriga, kadib kulamo iyo wada-tashiyo saacadihii u dambeeyay socday.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday wasiirkii hore ee difaaca, kaas oo maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala qeybgalay dhoolatus milatari oo ka dhacay dalka Masar.
Ilo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu waafaqsan yahay qodobka 234-aad ee Dastuurka Masar, kaas oo dhigaya in Wasiirka Difaaca lagu magacaabo oggolaanshaha Golaha Sare ee Ciidamada, iyada oo aan loo baahnayn in si gaar ah Baarlamaanka loo horgeeyo.
Ashraf Salem Zaher ayaa hore u soo qabtay xilal ciidan, waxaana la rumeysan yahay in magacaabistiisu ay xoojin doonto awoodda difaaca iyo horumarinta warshadaha milateriga ee Masar.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay Masar wajahayo caqabado amni iyo isbeddello ku saabsan hoggaanka ciidamada.






