Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid shaqadii caadiga ahayd ee Dekadda Weyn ee Muqdisho, kaddib markii shalay halkaas uu kusoo xirtay markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga.
Markabka oo lagu magacaabo TCG SANCAKTAR, ayna ku howlgalaan Ciidamada Badda Turkiga, ayaa la sheegay inuu wado saanad millateri oo loogu talagalay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mid kamid ah shaqaalaha dekadda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay socoto dejinta saanadda saaran markabka, taas oo sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caadiga ahaa ee dekadda.
Shaqaaluhu wuxuu intaas ku daray in amniga dekadda si weyn loo adkeeyay, islamarkaana aan loo oggolaanayn in maraakiib kale ay si buuxda u shaqeeyaan inta ay socoto dejinta saanadda.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Dekadda Weyn ee Muqdisho ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan arrintan.
Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhisay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidanka iyo qalabaynta, iyadoo markabkan loo arko mid qeyb ka ah taageeradaas.






