Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdo caawa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), taas oo la xiriirtay in laga celiyay xeyndaabka garoonka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ku timid kadib markii ay jireen “ku xad-gudub habraacyada amniga ee u degsan garoonka diyaaradaha.”

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa caddeysay in habraacyada amniga garoonka ay khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka, iyadoo aan loo eegin xil hore ama mid hadda ay hayaan. Wasaaraddu waxay sheegtay in la adkeynayo fulinta nidaamyada amniga, si loo xaqiijiyo badqabka garoonka iyo dadka isticmaala.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, dhacdadu waxay ka dhalatay isku day lagu doonayay in si gaar ah ama ka baxsan habraacyada rasmiga ah loo maro albaab ka mid ah meelaha laga galo garoonka, xilli ay shaqeynayeen nidaamyada hubinta amniga ee caadiga ah.

“Habraacyada amniga garoonka waa kuwo u yaalla dhammaan masuuliyiinta iyo muwaadiniinta, waana waajib in la ixtiraamo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday masuuliyiinta hore iyo kuwa hadda xilalka haya in ay u hoggaansamaan habraacyada amniga marka ay isticmaalayaan garoonka, si looga fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara nidaamka iyo badqabka goobta.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada in la dhowro sharciga iyo nidaamka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka