Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho gaar ah ku tegay hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib dhacdo muran dhalisay oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Booqashadan ayaa timid saacado kaddib markii Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka lagu waramay in laga hor istaagay inay gudaha u galaan garoonka, xilli ay qorsheynayeen inay kulamo la yeeshaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Kulan Gaar ah oo u Socda Labada Mas’uul
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu u socdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Sheekh Shariif, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdadii ka dhacday garoonka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu raalli-gelin ka bixiyay wixii ka dhacay garoonka, isla markaana uu xiriir la sameeyay Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Maxamed Xuseen Rooble iyo Xasan Cali Khayre, kuwaas oo iyagana la celiyay..

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waxyaabaha ka soo baxay kulanka, hase yeeshee booqashada ayaa loo arkaa mid dejin karta xiisadda ka dhalatay dhacdadaas