Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaannada Beerayabaal iyo Caag Bashiir ee gobolka Hiiraan.
Hawlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka laga helayo saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegaya in ciidamadu ay si buuxda u burburiyeen gabaadyadii iyo fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen kooxda, isla markaana ay dib u xaqiijiyeen amniga goobihii laga fuliyay howlgalka.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. Waxay sidoo kale xuseen in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada gobolka, loona suurtagelinayo shacabka inay si nabad ah ugu noolaadaan deegaanadooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay iska kaashanayaan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda.






