Ciidanka Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miino ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeysa deegaannada Biibi iyo Jannaay Cabdalle, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.
Miinadan oo la sheegay in lagu waxyeelleyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidamadu ku guuleysteen inay si nabad ah u soo saaraan una fashiliyaan, iyada oo aan wax khasaare ah geysan. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Jubbaland.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, gaar ahaan kuwa maleegaya qaraxyada iyo weerarada lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada amniga.
Taliska ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Jubbaland inay la shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaana si degdeg ah u soo sheegaan wax kasta oo amniga lid ku ah, si looga hortago falal dhibaato horseedi kara.
Jubbaland ayaa marar badan ku celcelisay sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah iyo xaqiijinta nabad waarta oo ka hanaqaadda deegaannada ay ka taliso.






