Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay xaflad ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka, hase yeeshee kulanka ayaa si lama filaan ah u soo idlaaday kaddib markii Ra’iisul Wasaaruhu ka kacay goobta isaga oo u kicitimay dhanka Xerada Xalane, si uu ula kulmo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wasiirro la socday Ra’iisul Wasaaraha, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cali Xoosh iyo Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, laga celiyay iridda hore ee goobta kulanka.

Kooxda protocol-ka ee Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la sheegay inay ka codsadeen inay ku sugaan qeybta martida (reception-ka) ee hotelka.

Mas’uul xog ogaal u ah kulanka ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Xamse uu kulanka la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Siciid Deni. Kulankaas waxaa ku wehliyay Xildhibaan Cabdirashiid Jire, halka Madaxweyne Deni uu kaligiis ku ahaa kulanka.

Labada shir ayaa lagu tilmaamay kulan is-arag guud ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in uu fududeyn doono arrimaha farsamada ee ku aaddan shirka ay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland u yimideen Muqdisho, marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo laabto safarkiisa Addis Ababa.

Dhanka kale, Banaadir24 ayaa xaqiijiyay in kooxda sawir-qaadayaasha ee la socotay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Siciid Deni ay kaamirada ka qaadeen kooxda Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan hab-maamuuska iyo wada-shaqeynta dhinacyada.