Waxaa xal rasmi ah laga gaaray is-hortaaggii ka taagnaa gelitaanka Xeyndaabka Xalane, kaddib kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinkii ka dhashay in madaxdii hore ee dalka loo diiday inay gudaha u galaan Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan Hotelka Airport oo ay deggen yihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen in madaxdii hore loo ogolaado gelitaanka garoonka, iyagoo wata tiro kooban oo ka mid ah ilaaladooda gaarka ah. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in hay’adaha amniga lala socodsiiyo xilliyada ay qorsheynayaan inay galaan Xeyndaabka Xalane, si loo adkeeyo amniga loogana fogaado khilaaf dambe.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in gelitaanka garoonka la sameyn karo kahor 5:00 galabnimo, si loo helo nidaam iyo habraac cad oo lagu maareeyo isu socodka masuuliyiinta.

Xalinta arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay taagneyd dood xooggan oo ku saabsan in xubnaha mucaaradka laga hor istaagay gelitaanka garoonka, taasoo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed oo ballaaran.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa isna xalay booqday hotelka ay deggen yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo hore loogu qaaday dejinta xiisaddii ka dhalatay is-hortaagga, iyadoo la filayo in wada-hadallo dheeraad ah ay sii socdaan si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.