Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Jabuuti ayaa gacanta ku dhigay shan doon oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha dalka, kuwaas oo laga leeyahay Yemen, iyagoo sidoo kale xiray 19 qof oo la socday doonyahaas.
Ciidanka ayaa sheegay in doonyahan ay ku jireen kalluumeysi aan haysan ruqsad rasmi ah, isla markaana ay si sharci darro ah uga faa’iideysanayeen kheyraadka badda ee Jabuuti.
Toddobaadkii hore, Dowladda Yemen ayaa ku eedeysay dalalka Jabuuti, Eritrea iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya inay afduubteen kalluumeysatada Yemeni ah meel u dhow xeebahooda.
Dhanka kale, Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku eedeeyay Xuutiyiinta Yemen inay ku lug leeyihiin qorista dhalinyaro ka tirsan beesha Cafar (Afar) ee ku nool xeebaha labada dal ee Badda Cas.
Yemen ayaa ugu baaqday Jabuuti, Eritrea iyo Puntland inay si degdeg ah u sii daayaan kalluumeysatada lagu hayo si sharci darro ah, sida ay hadalka u dhigtay dowladda Yemen.
Warkan ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Badda Cas, kuwaas oo la xiriira kalluumeysiga, amniga xeebaha, iyo muran siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh.






