Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen deegaanka Yoocale ee Gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimashada saddex nin iyo dhaawaca laba kale.

Dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud. Wararka hordhaca ah ee laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay ka yimaadeen deegaanka Baqdaad, oo hoostaga degmada Xerale.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo hore uga dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka jiray degaano katirsan Galnudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay si lama filaan ah u weerareen ragga, taasoo keentay dhimashada saddex ka mid ah iyo dhaawaca laba kale oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo goob caafimaad oo ku taalla deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Ilaa iyo hadda, maamulka Galmudug iyo laamaha amniga kama aysan hadlin falkan, iyadoo ay sii kordhayaan falalka la xiriira aanooyinka qabiilka ee ka dhacaya deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah dilal iyo iska horimaadyo soo noqnoqday oo salka ku haya aanooyin qabiil, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada ku dhaqan Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay maamulka iyo odayaasha dhaqanka inay si degdeg ah u farageliyaan xaaladda, si looga hortago in colaadda ay sii faafto, loona helo xal waara oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya.