Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta kulan gaar ah kula leh magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ka dhacaya hotel ku yaalla xerada Xalane ayaa la sheegay in intiisa badan diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay is dhaafsanayaan aragtiyo ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa hoggaanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Kulankan ayaa imaanaya xilli hore uu u jiray khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhaxeeyay dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo lagu doonayo in lagu yareeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed isla markaana lagu abuuro jawi wada-tashi iyo is-afgarad ku saleysan danaha guud ee dalka.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kulanka yeeshay, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxdo natiijada kulanka.






