Xildhibaanadii dhawaan ganaax lagu soo rogay ee isku magacabay “Xildhibaanada Xorta ah” ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Shirkan ayaa ka dambeeyay markii xildhibaannadaasi loo diiday in ay ku shiraan Hotel Jazeera, sida la sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, uu maamulka hotelka ku wargeliyay in aan la oggolaan karin qabashada kulankaasi.
Inta lagu guda jiray shirkan, xildhibaanadu waxay sameysteen guddi ka talin doona tallaabooyinka iyo sharciyada la xiriira Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyaga oo sidoo kale sheegay inay qorshaynayaan doorashada guddoomiye cusub.
Kulankan cusub ayaa kusoo aadaya xilli siyaasadeed oo xiiso badan leh, iyadoo ay taagan tahay khilaaf ka taagan ganaaxyada lagu soo rogay xildhibaannada iyo arrimaha la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka dalka.






