Mucaaradka ku mideysan dalladda Golaha Mustaqbalka ayaa war ay soo saareen kadib shir dheer oo ay yeesheen ku dalbaday in si cad loo shaaciyo goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga siyaasadeed, isla markaana la isla garto hannaanka doorashada dalka.
Mucaaradka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda, si looga fogaado muran hor leh oo sababi kara xasilooni darro siyaasadeed. Waxay carrabka ku adkeeyeen in kalsooni buuxda lagu dhisi karo oo keliya wada-tashi furan iyo hannaan la isku raacsan yahay.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa sheegay in tashigooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka uu sii socon doono, iyaga oo tilmaamay in ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa.
Xaaladda guud ee dalka ayaa weli ah mid kacsan marka laga eego dhinaca siyaasadda, iyadoo ay socdaan kulamo iyo gorgortan u dhexeeya madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta kale. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashada iyo dastuurka oo muran ka taagan yahay.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay isku raaceen in aysan ka qeyb geli doonin shirka haddii lagu qabto Villa Somalia, iyaga oo ku dooday in loo baahan yahay goob dhexdhexaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.
Ilo-wareedyo ku dhow dhow xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in mowqifkooda ku aaddan goobta shirka uu salka ku hayo sidii loo xaqiijin lahaa jawi wada-hadal oo hufan, loogana fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun siyaasadeed.






