Warbaahinta gudaha Yemen ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah xubnaha ugu sareeyay ururka Al-Shabaab ee xiriirka arrimaha dibadda, Jabriil Gacameey, uu ku dhintay duqayn ka dhacday gudaha Yemen. Jabriil Gacameey, oo si weyn looga yaqaan gudaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu lahaa xiriir dhow oo la leh kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Warbaahinta waxaa ka muuqda baasaboor rasmi ah oo Yamani ah, kaas oo uu watay Jabriil Gacameey. Baasaboor-ka waxaa ku qoran magaciisa, Cabdulqaadir Yaxye Cali, iyadoo sidoo kale lagu xusay inuu ka soo jeedo magaalada Hudayda ee Yemen, isla markaana uu u shaqeynayay sidii shaqaale dowladda Yemen oo kale ah.

Sida laga soo xigtay ilo amni, Jabriil Gacameey waxaa loo yaqaan gudaha Al-Shabaab, wuxuuna ka mid ahaa kooxda tan iyo waqti dheer. Xogtu waxay sidoo kale muujineysaa in Jabriil uu ahaa shaqsi si gaar ah ugu dhawaa madaxa sare ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye, isla markaana ka caawin jiray xiriirka kooxda Xuutiyiinta.

Waxaa la sheegay in Jabriil uu yahay qof muhiim u ah isku xirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo xiriir dhow ka dhaxeeyo.

Wararka ka imaanaya Yemen waxay sheegayaan in duqayntan, oo lagu beegsaday Jabriil Gacameey, ay tahay mid ka mid ah hawlgallada lagu qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha taageera Xuutiyiinta.

Xogta ayaa tilmaamaysa in duqayntan ay ka dhacday deegaan ka tirsan waqooyiga Yemen, iyadoo la rumeysan yahay in duqayntan ay ka dambeysay hawlgal sirdoon oo ay fuliyeen ciidamada Yemen ama hawlgallada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Screenshot