Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeybgalay shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulamadaas diiradda ku saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika, isaga oo sidoo kale la wadaagay madaxda ka qeybgalaysay shirka warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka laga sameeyay dhinaca amniga iyo dadaallada dowladdu ku doonayso xasillinta iyo dib-u-dhiska qaranka.

Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo hoggaamiyeyaal kale, kuwaas oo ay ka wada hadleen iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta ganacsiga iyo adkeynta xiriirka gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika, isagoo si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee dalka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha dowladda ee ku wajahan nabadeynta iyo horumarka. Madaxweynaha ayaa madaxda Afrika uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan difaaca midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Kulamadan iyo khudbadda Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo doorka ay ku leedahay masraxa Afrika.