Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo kulamadan, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo shirka la filayo inuu dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.
Kulamadan ayaa imanaya xilli uu jiro dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xooggan, iyadoo madax kala duwan oo xilal ka haya dowladda iyo kuwo horey xilal uga soo qabtay ay booqashooyin ugu tageen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo haatan ku sugan Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la qorsheynayo.
Wararka ayaa tilmaamaya in wada-hadalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in la isku soo dhoweeyo dhinacyada siyaasadda isku haya, loona abuuro jawi wadatashi iyo isfaham ku dhisan, si xal waara looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulamada ay ahaayeen kuwo is-afgarad lagu raadinayo, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada heshiiska ama go’aannada laga gaaray






