Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in taangiyo iyo agab milatari oo dhawaan soo gaaray dalka loo daabulay gobolka Shabeellada Dhexe, si ay ugu howlgalaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamo ka socda dalka Turkiga.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka, kuwaas oo la xiriira qorshe la doonayo in lagaga saaro deegaanno ay muddo sanado ah gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay wadaan abaabul iyo dhaqaaqyo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo howlgalka la filayo in maalmaha soo socda ka bilowdo gobolka. Sidoo kale, waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Turkiga ay door ka qaadan doonaan howlgalka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca taageerada ay bixinayaan.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan hubka iyo gaadiidka dagaal ee la geeyay Shabeellada Dhexe. Bulshada iyo warbaahinta ayaa sugaya bayaan cad oo dowladda ka soo saarto arrintan.






