Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan ku qasbanayn inay tagaan Villa Somalia si ay ula kulmaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay isagoo ka jawaabaya hadal kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, xilli uu weli taagan yahay muran ku saabsan halka lagu qabanayo shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo mucaaradka.

“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Madaxwtooyada Soomaaliya, waxaan Muqdisho u nimid inaan Soomaaliya badbaadino,” ayuu yiri Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

Wuxuu intaas ku daray in madaxda maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo xal u helidda arrimaha taagan, balse aysan jirin cid ku qasbi karta inay kulamo ku yeeshaan goob gaar ah.

Dhinaca kale, muranka ku saabsan goobta lagu qabanayo shirka ayaa weli u muuqda mid hakad gelin kara wada-hadallada la filayo inay dhex maraan dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka goobta shirka ay weli socdaan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aanno rasmi ah oo arrintan la xiriira.