Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo uu wehlinayay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen la qaatay Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa labada madaxweyne kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xukuumaddiisa, iyo sida xal waara looga gaari karo arrimaha taagan.

Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ayaa sheegay in uu ku qabsoomay jawi deggan oo isfahan ku dhisan, islamarkaana diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dowladnimada Soomaaliya, xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo dardargelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Wararka horudhaca ah oo uu helay Banaadir24 ayaa tilmaamaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay aqbaleen in shirka loo balansan yahay lagu qabto xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia, arrintaas oo loo arko tallaabo horudhac u ah isu soo dhawaanshaha dhinacyada siyaasadda.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay taagan yihiin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, kuwaas oo u baahan wadahadal iyo is-afgarad si loo ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida dalka. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada kulamadan iyo go’aannada laga gaaro.