Maanta oo ku beegan Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa qeybo kamid ah degmooyinka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug laga soo sheegayaa in aan laga soomin, kaddib go’aan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Degmooyinka ugu badan ee aan laga soomin waxaa kamid ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Guriceel, halkaas oo dadka ku nool ay sheegeen inay raaceen war kasoo baxay culimada iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanka ah in aan maanta laga soomin deegaannada ay saamaynta ku leeyihiin. Wuxuu sheegay in ay ku soomi doonaan aragti, islamarkaana ay ku afuri doonaan sidaas oo kale.

“Waxaan buuxin doonnaa 30-ka Shacbaan Maanta oo Arbaca ah, Insha Allah,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir, isaga oo tilmaamay in go’aankooda uu ku saleysan yahay aragtida bisha oo aysan u suurtagelin in la xaqiijiyo.

Dhanka kale, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan, kaddib markii la xaqiijiyay aragtida bisha ee qaybo kamid ah dalka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u hoggaansamaan go’aanka dowladda, isla markaana ay si wadajir ah u gutaan waajibaadka soonka.

Gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud, ayaa inta badan la arkaa inay mararka qaar hal maalin ka dambeeyaan gobollada kale ee dalka marka la gaaro bilashada Ramadaan ama Ciidaha, arrintaas oo la xiriirta kala aragti duwanaanshaha ku saabsan xaqiijinta bisha