Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay markale hub iyo gaadiid dagaal kala degtay Dekedda Weyn ee Muqdisho, iyadoo la arkayay dhaqdhaqaaq ballaaran oo la xiriira dejinta qalab militari oo culus.
Goobjoogayaal ku sugnaa nawaaxiga dekedda ayaa sheegay in saqdii dhexe ee habeenkii la bilaabay dejinta qalab lagu tilmaamay mid culus, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin noocyada uu ka kooban yahay hubkaasi.
Baabuurta waaweyn ee konteenarada qaada ayaa la arkayay iyagoo ka soo baxay dekedda, kuna sii jeeda bartamaha caasimadda, halkaas oo la rumeysan yahay in si ku-meel-gaar ah loogu keydinayay.
Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo si cad u qeexaya noocyada hubka la keenay. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in hubka uu isugu jiro qalab culus oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo qaybo ka mid ah hubka waaweyn ee goobta dagaalka loo adeegsado.
Dhawaan ayay ahayd markii dekedda Muqdisho uu yimid markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo siday hub fara badan oo ay ku jireen taangiyo iyo gaadiid gaashaaman. Qaar ka mid ah qalabkaasi ayaa la geeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.






