Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ay saldhig cusub ka sameysteen magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool ee dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid ka tarjumeysa dadaalka dowladda federaalka ah ee lagu xoojinayo joogitaanka iyo awoodda ciidamada cirka, gaar ahaan deegaannada istaraatiijiga ah ee dalka.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dhismaha iyo diyaargarowga saldhiggan uu muddooyinkii u dambeeyay si xowli ah u socday. Waxaa la sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan taliska Ciidanka Cirka ay booqashooyin iyo kormeerro shaqo ku tageen magaalada, iyagoo qiimeyn ku sameynayay howlaha dhismaha iyo qalabeynta saldhigga.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in qalab iyo agab ciidan oo la xiriira howlaha cirka la gaarsiiyay halkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca iyo tirada qalabka la geeyay.

Gobolka Sool ayaa ka mid ah meelaha ay ka jiraan muranno siyaasadeed iyo kuwo amni. Qeybo ka mid ah gobolka waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Somaliland, kuwaas oo ka aragti duwan tallaabooyinka ay qaaddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan saldhiggan cusub.