Taliyaha guutada 16’aad ee Kumaandooska Danab, ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Cabdicasiis Xuseen Maxamed (Military), ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Danab.
Ujeeddada kormeerka taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelin iyo qiimeyn ku saabsan xaaladda guud, diyaar-garowga ciidanka, iyo sida ay u socdaan howlaha shaqo.
Intii uu ku sugnaa deegaanka, taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha iyo askarta, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira guulaha ay ciidanku ka gaareen sugidda amniga.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey dadaalka iyo feejignaanta ay muujiyeen.
Taliyaha ayaa ku boorriyey cutubyada inay sii xoojiyaan diyaar-garowga iyo dadaallada looga ciribtirayo cadowga guud ahaan dalka, isla markaana ay adkeeyaan wada-shaqeynta, ilaalinta badqabka shacabka, iyo sugidda nabadgelyada deegaanka, si looga hortago dhagarta cadowga iyo falalka amni-darro ee ka dhanka ah shacabka.






