Waxaa barqanimada maanta si rasmi ah uga furmaya xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo diiradda saarayo xaaladda guud ee dalka iyo ajandayaal qaran oo la isku waafaqsan yahay.
Kulanka oo uu Shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaankiisa lagu gorfeyn doonaa xaaladda amni, midda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalka.
Ajandayaasha Shirka
Marka laga gudbo qiimeynta xaaladda guud ee dalka, madaxdu waxay u gudbi doonaan ka doodista ajandayaasha muhiimka ah ee horey layskula qaatay. Qodobada la filayo in la isla soo qaado waxaa ka mid ah:
Xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada
Dhameystirka hannaanka dastuurka iyo dib-u-eegistiisa
Horumarinta nidaamka federaalka iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada
Arrimaha doorashooyinka iyo hannaan hufan oo loo dhan yahay.
Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in shirka la ballaarin doono, islamarkaana qayb kamid ah fadhiyada ay ka soo qaybgeli doonaan wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Haddii arrintaasi rumoowdo, waxay noqon kartaa tallaabo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dadweynaha iyo hannaanka talo-wadaagga qaran.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo maalmahan diidanaa tegitaanka Villa Soomaaliya, ayaa ugu dambeyn aqbalay ka qaybgalka shirka kadib wada-hadallo gooni gooni ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Go’aanka ay ku yimaadeen ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara in la helo is-afgarad ballaaran, isla markaana la yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada qaarkood.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in shirka maanta ka furmaya Villa Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, maadaama uu isu keenayo hoggaanka ugu sarreeya dalka xilli loo baahan yahay midnimo iyo go’aan mideysan. Waxay tilmaamayaan in natiijada kasoo baxda kulankan ay saameyn togan ku yeelan karto mustaqbalka siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.
Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo lagu faahfaahin doono qodobada la isku afgartay iyo jidka loo marayo hirgelintooda hadii lagu heshiiyo.






