Waa Sawirka mid kamid ah dadka loo diiday inay galaan dalka Australia.

Australia ayaa dalkeeda ka mamnuucday muwaadin lala xiriirinayo kooxda Daacish muddo labo sano ah, iyaga oo ku sugnaa xero ku taalla dalka Suuriya.

Qofkaan ayaa ka mid ah koox ka kooban 34 haween iyo caruur Australian ah oo qorsheynayay in ay ku laabtaan dalkooda ka dib markii laga soo daayay xero ku taal Suuriya horaantii todobaadkan, laakiin ay dib u celiyeen mas’uuliyiinta “sababo farsamo”.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Tony Burke ayaa Arbacadii sheegay in mamnuucida la soo saaray “iyaga oo talada ka helaya hay’adaha ammaanka” isaga oo intaa ku daray in “shuruudaha sharciga” ee mamnuucista gelitaanka aysan khuseyn 33-da qof ee kale.

Australia ayaa ilaa hadda diiday in ay qaadato kooxdan oo la aaminsan yahay in ay yihiin xaasaska, iyo caruurtii ay dhaleen dagaalyahanada Daacish, kuwaasoo 23 ka mid ah ay yihiin carruur.