Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Yemen oo la sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyaadka Daacish, kadib howlgal qorsheysan oo si gaar ah looga fuliyay degaanka Tasjiic ee ku yaalla Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid si xeeladaysan loo abaabulay ayaa lagu beegsaday goobo la tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Daacish.

Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ninkan Yemeni-ga ah lagu qabtay isagoo ku sugan mid ka mid ah fariisimaha ay kooxdu ku lahayd dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ciidamada Puntland ka wadeen howlgallo isdaba-joog ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabtay ninkan ajnabiga ah uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu ciribtirayo Daacish, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga guud ee Gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xusay in howlgallada weli ka socda buuraleyda Gobolka Bari ay marayaan heer gaba-gabo ah. Waxay tilmaameen in inta badan fariisimihii iyo godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka la burburiyay, isla markaana la wiiqay awooddii ay ku lahaayeen deegaanka.

Ciidamada Puntland ayaa horey u fuliyay howlgallo lagu dilay xubno ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish, halka kuwo kalena nolosha lagu qabtay. Tani ayaa muujineysa, sida ay sheegeen saraakiishu, in kooxda ay ku jirto xaalad daciifnimo oo sii kordheysa.