Duqeymo xoogan ayaa maanta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Waabweyn oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu bartilmaameedsaday xerooyin la sheegay in ay ku diyaarsanaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga laguna wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale, ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan duqeymaha maanta ka dhacay Waabweyn.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maalmahan si xowli ah uga socday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa hoostaga degmada Maxaas, iyadoo ciidamada dowladda ay kordhiyeen gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.






