Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Wasaaradda Horumarinta Biyaha liiska shaqaale loo xulay inay ka qaybgalaan tababar caalami ah oo la xiriira horumarinta iyo maareynta adeegyada biyaha, kaas oo lagu qaban doono dalka Israa’iil.
Warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 28-ka January 2026, tixraaceeduna yahay WBH/17/01/2026, kuna socota Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, ayaa lagu sheegay in shaqaalahan la soo xulay ay yihiin kuwo leh khibrad sare iyo aqoon ku filan oo la xiriirta hawlaha biyaha, isla markaana door muhiim ah ka qaata shaqooyinka maalinlaha ah ee wakaaladda.
Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah:
In la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha farsamo ee shaqaalaha.
In la barto hababka casriga ah ee maareynta iyo qaybinta biyaha.
In la helo khibrado cusub oo ku saabsan tayaynta adeegyada biyaha magaalooyinka.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa muujisay in tababarkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegyada biyaha ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinacyada maaraynta khayraadka biyaha, tayaynta adeegga macaamiisha, iyo kor u qaadista hufnaanta shaqada.
Mas’uuliyiinta wakaaladda ayaa tilmaamay in marka ay shaqaalahani soo dhammeeyaan tababarka, la filayo:
In la hirgeliyo habab cusub oo wax ku ool ah.
In la kordhiyo tayada iyo joogtaynta adeegga biyaha.
In la xoojiyo qorsheyaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Tallaabadan ay Somaliland qaar kamid ah Shaqaalaheeda ugu direyso Israa’iil ayaa hadal-heyn ka abuurtay gudaha Somaliland iyo Guud ahaan Soomaaliya.







