Qarax miino ayaa lala eegtay Taliyaha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiino, Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Afgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo ammaanka ka tirsan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in miinada lagu xiray gaari uu leeyahay taliyaha, xilli uu ka maqnaa gaariga oo uu ku maqnaa gudashada salaadda. Koox aan weli la aqoonsan ayaa la rumeysan yahay inay miinada ku xireen gaariga intii uu yaallay goobta.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta gaadiidka booliska, oo deris la ah xarunta hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, taasi oo sare u qaaday feejignaanta ammaanka ee halkaasi ka jirta.

Ilo goob-joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxu uu sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray gaariga, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka. Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay baaritaan la xiriira cidda ka dambeysay falkaasi.

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, hase yeeshee baaritaanno ayaa socda si loo ogaado faahfaahinta dhacdada iyo cidda mas’uulka ka ah.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dadaallo lagu xoojinayo ammaanka, gaar ahaan goobaha ay ku yaallaan xarumaha dowliga ah iyo kuwa ciidamada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dhacdadan kala soco boggeenna  Banaadir24.com.