Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in shirkii la filayay inuu maanta markale ka qabsoomo xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uu baaqday.

Shirkaasi ayaa qorshuhu ahaa in ay ka qeybgalaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo lagu waday inay la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa tilmaamaya in baaqashada shirka ay timid kaddib codsi ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la sheegay inuu wado la-tashiyo kala duwan oo uu la yeelanayo saaxiibadiisa siyaasadeed ka hor inta aan kulankaasi dib loo muddeyn.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in shir kale oo u dhexeeya qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) uu maanta ka dhici doono Hotel Airport ee magaalada Muqdisho.

Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee dib loo qaban doono shirka ka baaqday Villa Soomaaliya, hase yeeshee ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in dadaallo lagu jiro sidii loo sii wadi lahaa wada-hadallada siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada kala aragtida duwan.