Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir, ayaa warqad furan u diray Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ugu baaqay in uu ka qeyb galo shirarka wadatashiga ee ka socda caasimadda.

Warqadda furan ayaa timid kaddib marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo ku soo beegantay xilli dalka uu wajahayo duruufo adag oo isugu jira abaaro, duruufo nololeed iyo khilaafaad siyaasadeed oo soo jiitamayay.

Guddoomiyihii hore ayaa ku ammaanay dhinacyada ku lugta leh wada-hadallada, gaar ahaan madaxtooyada iyo Golaha Mustaqbalka, isaga oo xusay in is horfadhiisiga iyo wada hadalku ay yihiin dhaqan Soomaaliyeed oo horseeda heshiis iyo xal.

Waxa uu si gaar ah ugu baaqay Madaxweynihii hore in uu ka qeyb galo shirarka, islamarkaana uu ku darsado taladiisa iyo waaya-aragnimadiisa hoggaamineed, si looga gaaro go’aanno dalka u horseedi kara xasillooni iyo horumar.

“Madaxweyne, goobta tag, fekerkaaga dhiib, taladaada gee si halkaas ay uga soo baxaan go’aamo dalku horay ugu dhaqaaqi karo,” ayuu ku yiri warqaddiisa.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu muujiyay walaac ku saabsan marxaladda adag ee dalka marayo, iyadoo la tilmaamay in ay jiraan cadow dibadeed oo ka faa’iideysan kara xaaladda cakiran haddii aan si degdeg ah loo helin midnimo siyaasadeed.

Qoraagu waxa uu xusay in siyaasiyiinta ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay badbaadinta dalka, si looga fogaado shallay iyo qoomamo dambe.

Ugu dambeyn, Guddoomiyihii hore ayaa muujiyay rajo ku aaddan in shirarka socda ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo shacabka ka saara cabsi iyo hubanti la’aan, isla markaana u oggolaada in diiradda la saaro la dagaallanka caqabadaha amni iyo kuwa horumarineed ee hortaagan dalka.

Warqaddan furan ayaa ku soo beegantay xilli indhaha shacabka Soomaaliyeed ay ku jeedaan waxyaabaha kasoo bixi kara Shirka Madaxda Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka ee Muqdisho.