Warbaahin laga leeyahay dalka Israa’iili ayaa soo saartay warbixin ka digaysa xiisad sii kordheysa oo u dhaxaysa Masar iyo Israa’iil taasoo keeni karta isku dhac toos ah ama dadban oo ka dhaca Soomaaliya.

Natsiv Net, oo ah warbaahin ku hadasha afka Hebrowga, ayaa sheegtay in isbadalladii ilaa Febraayo 2026 ay muujinayaan tartan sii xoogeystay oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, gaar ahaan marka la eego sida ay labada dhinac uga howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in go’aankii Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland uu ahaa isbeddel muhiim ah. 26-kii December 2025, Israa’iil waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabo si xooggan ay ugasoo horjeesteen Masar iyo dowladda federaalka Soomaaliya labadaba.

Warbixinta ayaa sheegtay in Qaahira ay u aragtay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo isku day Israa’iil ay kudoonayso  inay ku hesho saldhig istiraatiji ah oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Masar ayaa xoojisay ciidamadeeda Soomaaliya, iyadoo qiyaastii 10,000 oo askari Masaari ah la geeyay, qaarna ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika, qaarna ay qeyb ka yihiin heshiis difaac laba-geesood ah oo lala galay Muqdisho.

11-kii Febraayo 2026, Masar ayaa Qaahira ku qabatay xaflad militari oo uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo lagu tilmaamay fariinta cabsida abuuraysa ee loo diray Israa’iil iyo Itoobiya.

Masar si rasmi ah ayay uga soo horjeesatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid khatar ku ah amniga qaranka iyo marin istiraatijiyeedka Badda Cas.

Warbixintu waxay muujinaysaa xasaasiyad sii kordheysa oo ku saabsan saameynta Geeska Afrika, inkastoo saraakiisha Masar iyo Israa’iil aysan si cad u muujin inay u diyaar garoobayaan isku dhac milateri.