Kulankii dhawaan ka dhacay xarunta Villa Somalia ee ay yeesheen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa si weyn loogu hadal hayaa, kaddib markii ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.
Saddexdan maamul oo si cad u taageersan dowladda dhexe ayaa lagu soo warramayaa in waqtigoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday, iyagoo aan weli qaban doorashooyin. Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, gaar ahaan xubnaha Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in si degdeg ah loo qabto doorashooyin ka dhaca saddexdan maamul, isla markaana dowladda Federaalka ay aqbasho hirgelinta arrintaas.
Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in qodobkan si cad loogu soo qaaday shirka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin go’aan laga gaaray. Dad badan ayaa u arka in maqnaanshaha saddexda madaxweyne uu muujinayo in arrintooda lagu gorgortamayo miiska wada-hadallada, iyaga oo aan fadhiga ku lahayn cod toos ah.
Dhanka kale, maamulada Jubbaland iyo Puntland oo lagu tilmaamo kuwo mucaarad ku ah siyaasadda dowladda Federaalka, ayaa la sheegay in si joogto ah loola hadlo arrimaha masiirka siyaasadeed ee dalka, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan doorka iyo miisaanka saddexda maamul ee taageersan dowladda.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in haddii la qaato talada Golaha Mustaqbalka, ay taasi keeni karto isbeddel cusub oo ku yimaada hoggaanka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee dalka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia ama madaxtooyooyinka saddexda maamul ee ku saabsan mowqifkooda ku aaddan dalabka doorashooyinka. Arrintan ayaa la filayaa in ay noqoto mid si weyn looga doodo maalmaha soo socda, iyadoo indhaha lagu hayo go’aannada siyaasadeed ee xiga.






