Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee dalka Uganda, Joseph Ssemwanga, ayaa xaflad sagootin ah u sameeyey cutub ka tirsan ciidanka oo loo soo dirayo dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda dalka.

Ciidankan oo si buuxda u soo dhammaystay tababarkoodii ayaa lagu dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambaynta, isla markaana si hufan oo sharaf leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay nabaddooda ilaalinayaan.

Taliye ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in askartu ay yihiin wakiillada dalkooda, isaga oo yiri:

“Waxaad tihiin safiirradii Uganda. Calanka iyo astaanta garabkiinna sudhan waxa ay na xasuusinayaan in aad nagu metelaysaan Soomaaliya. Ilaaliya anshaxa, macaamil wanaagsanna u muujiya bulshada.”

Sidoo kale waxa uu ku boorriyey ciidanka in ay muujiyaan xirfad, dulqaad iyo ixtiraam, si ay u xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Uganda ayaa ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyey ee ciidamo nabad ilaalin ah u soo dira Somalia ku dhowaad 19 sano ka hor. Tan iyo xilligaas, ciidanka Uganda waxay door muuqda ka qaateen sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha amni darrada ka wada gudaha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee la dirayo ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan howlgalka nabad ilaalinta, iyaga oo ka shaqayn doona ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo taageeridda dadaallada xasilinta dalka.