Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa kulan xasaasi ah uga socdaa xarunta Xalane, iyagoo ka arrinsanaya kulamadii shalay iyo Maanta baaqday ee ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka aysan weli ku heshiin aragti mideysan oo ay la hor tagaan Madaxweynaha. Shirkan maanta ayaa diiradda lagu saarayaa sidii ay u gaari lahaayeen mowqif cad oo mideysan, si ay ula kulmaan Madaxweynaha, ugana wada hadlaan arrimaha doorashada.
Waxaa horay u jiray is mari-waa ku saabsan qaabka kulanka labaad loo qabanayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiday inuu la kulmo guddi ay iska soo xuleen xubnaha mucaaradka si ay ugu metelaan wadahadallada. Dhankiisa, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in la sameeyo guddi wasiiro ah oo uu isagu soo magacaabayo.
Si kastaba ha ahaatee, xubnaha mucaaradka ayaa iyaguna diiday inay la kulmaan guddi wasiiro ah, taasoo sii fogeysay rajadii laga qabay in wadahadalladu si rasmi ah u billowdaan.
Kulanka maanta ee Golaha Mustaqbalka ayaa laga filayaa laba natiijo midkood:
Inay ku heshiiyaan mowqif mideysan oo ay si cad ugu wajahaan Madaxweynaha, isla markaana ay si wadajir ah uga falceliyaan qodobada la isku hayo.
Ama inay ku guuldareystaan inay aragti mideysan gaaraan, taasoo sababi karta kala aragti duwanaan hor leh iyo kala jab siyaasadeed oo dhexdooda ah.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan maraysa meel xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida uu ku soo dhammaan doono kulanka maanta iyo saameynta uu ku yeelan doono geeddi-socodka doorashooyinka.
Halkan kala socda wixii soo kordha.






