Askari kamid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed, ayaa lagu soo waramayaa inuu goostay.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in gaari uu leeyahay Kamala Guutaale, oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya loo adeegsaday in lagu qaado askariga ka tirsan ilaaladda gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madobe, kaasoo watay qori nooca PKM.
Muuqaal Cctv ah oo ku xiran xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo si hoose loo dusiyay ayaa muujinayo gaariga oo askariga qaaday maalintii uu furmay wadaxaajoodka dowladda iyo mucaaradka.
Sidoo kale, ilaha ayaa xaqiijiyay in xiriir hoose u dhexmaray askariga ka goostay ilaalada Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza, kuwaasoo la sheegay in ay fududeeyeen baxsashadiisa oo u muuqatay mid xilli hore laga sii shaqeeyay.
Qoriga BKm ah ayaa hadda dib loogu celiyey maamulka Jubaland, halka darawalka gaariga iyo qof kale oo la socday loo xiray kiiskan.






