Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa shaaciyay inay si buuxda u garab istaagayaan hanaanka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay xoojinta dowladnimada, sugidda amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Koonfur Galbeed.
Waxay tilmaameen in marxaladda uu marayo maamulka Koonfur Galbeed ay u baahan tahay midnimo siyaasadeed iyo in laga wada shaqeeyo danta guud, si looga gudbo caqabadaha amni iyo horumarineed ee ka jira degmada Buurhakaba iyo guud ahaan gobolka.
Sidoo kale, xildhibaanadu waxay ugu baaqeen bulshada reer Buurhakaba inay taageeraan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, iyagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed aanay wax dan ah ugu jirin shacabka.
Ugu dambeyn, xildhibaanadan ayaa caddeeyay in ay diyaar u yihiin inay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda dib u dhiska ee ka socda degmada.
Hoos Ka Akhtiso Warsaxafadeed faah faahsan oo ay soo saareen Xildhibaannads.







