Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dhacdooyinkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay xaafadda Buula-Maaxaay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayaa lagu sheegay in Himilo Qaran uu la wadaagayo xanuunka, tacsida iyo dareenka qoysaska eheladooda ku waayay musiibadaasi, isla markaana uu Alle uga baryayo marxuuminta in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna uu siiyo caafimaad deg-deg ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa Maanta rasaaseeyay Dad Shacab ah oo ka bannaan baxayay Guryahooda oo la boobayay Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyay falalka gumaadka ah ee lagu beegsaday shacabka, isagoo ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya diinta, dhaqanka iyo shuruucda dalka. Sidoo kale, xisbigu wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga in ay si deg-deg ah u xaqiijiyaan amniga guud ee caasimadda, kana hortagaan falal kale oo la mid ah.

Himilo Qaran ayaa madaxda dowladda ka dalbaday baaritaan deg-deg ah, hufan oo madax-bannaan si loo ogaado cidda ka dambeysay weerarka, loona horkeeno sharciga si cadaalad ah.

Xisbigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka Soomaaliyeed la siiyo xaqiijin buuxda oo ku saabsan badqabkooda iyo la dagaallanka kooxaha amniga khal khal gelinaya.

Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu mar kale tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku waxyeelloobay dhacdada, isagoo ku boorriyay bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo isku duubni si looga gudbo caqabadaha amni ee soo noqnoqda.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.