Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha, waxgaradka iyo haweenka Beesha Hawiye kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, amniga iyo khilaafka doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah u dhaliilay hanaanka wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee ay waddo dowladda federaalka, isagoo sheegay in isbeddelladaasi aysan ahayn kuwo loo maray wadatashi qaran oo dhammaystiran. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin dastuur wax ka beddel lagu sameeyo iyadoo aan la helin heshiis ay ku mideysan yihiin dowlad-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Dastuurkan la beddelay waxaa ku dhaqmi doona oo keliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aadan Madoobe,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isaga oo muujiyay sida uu uga soo horjeedo habraaca hadda socda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyin looga qabto dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in maamulladan ay galaan doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo sharciyad buuxda iyo kalsooni siyaasadeed oo ay helaan shacabka ku nool deegaannadaasi.

Madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka dowlad-goboleedyada uu sii kordhin karo khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana wiiqi karo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xilligan ay muhiim tahay in mudnaanta la siiyo midnimada, wada-tashiga iyo ilaalinta nidaamka federaalka. Wuxuu ku baaqay in hoggaanka dowladda federaalka ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Kulankan uu Muqdisho kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Beesha Hawiye ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray muranka ku saabsan wax ka beddelka dastuurka iyo jihada doorashooyinka dalka.