Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqbashay soo jeedintii ka timid Golaha Mustaqbalka, iyadoo ogolaatay in shirkii wadahadalka ee labada dhinac uu maanta dib uga furmo xarunta Madaxtooyada.

Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ayay hakad ku jireen wada-hadallada kadib shuruudo adag oo ka yimid labada dhinac, balse xal laga gaaray.

Kulanka maanta furmaya ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa qodobbada muhiimka ah ee khuseeya masiirka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan:

Hannaanka iyo hufnaanta Doorashada soo socota

Doodaha la xiriira dib-u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka

Siyaasadda guud iyo jihada hoggaaminta qaranka

Madaxtooyada ayaa sheegtay in shirkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka iyo is-afgaradka qaran, si loo gaaro hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna xaqiijiyo xasillooni iyo dowladnimo waarta.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa soo dhaweeyay aqbalaadda rasmiga ah ee soo jeedintooda, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dhabbaha u xaareysa wada-hadal miro-dhal ah.

Indhaha bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda ayaa maanta ku wajahan Villa Somalia, halkaas oo laga filayo in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxaan kulanka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.