Madaxweynaha Iiraan, Mazoud Peseshkian, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan u jilicsanaan doonin cadaadis uga imanaya Mareykanka, kadib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qasbayo Tehran inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalka Pezeshkian oo la jeediyay Sabtidii, ayaa ku soo beegmay xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Gacanka Carbeed, iyadoo Mareykanku sii kordhinayo joogitaankiisa militari ee gobolka, isla markaana diray laba markab xambaara diyaaradaha dagaalka iyo tobannaan diyaaradood oo dheeraad ah.

“Ma jilicsanaan doonno, mana u foorarsan soon caqabadahan,” ayuu Pezeshkian ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay xubnaha kooxda Iiraan ee ka qeybgalay ciyaaraha Paralympics-ka.

Wuxuu intaas ku daray in quwadaha waaweyn ee caalamka ay isku dayayaan inay ku qasbaan Iiraan inay madaxa hoos u dhigto. “Sida idinkuba aydan ugu jilicsaneyn dhibaatooyinka hortiinna yaallay, annaguna uma Juliana’s doonno cadaadiskan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Iiraan iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabay wada-hadallo dadban oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran horaantii bishan, kuwaas oo ka dhacay dalka Cumaan, halka wareeg labaad uu ka qabsoomay toddobaadkii hore dalka Switzerland.

Inkastoo Washington iyo Tehran ay wada-hadallada ku tilmaameen kuwo guud ahaan wanaagsan, haddana lama gaarin horumar la taaban karo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Jimcihii sheegay in xal diblomaasiyadeed uu “gacanta ku jiro,” isla markaana dalkiisu qorsheynayo inuu soo gabagabeeyo qabyo-qoraalka heshiis suuragal ah “labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda” si loogu gudbiyo Washington.