Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda ayaa maanta bannaanbax ka dhigay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, kaas oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo muujinaya cabasho ay ka qabaan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Dadka bannaanbaxayay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan dhul boob lagu hayo guryo ay ka degan yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda ay shalay rasaas u adeegsadeen dad bannaanbaxayay, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in goobta bannaanbaxa ay tageen ciidamo Boolis ah, kuwaas oo la sheegay in ay rasaas ku kala eryeen dadkii isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon.
Dhacdadii shalay ka dhacday bannaanbax ka dhan ahaa dhul boobka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba ruux, halka siddeed kale ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii goob joogga ahaa.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo ku aaddan eedeymaha loo jeediyay ciidamada ammaanka iyo cabashada shacabka.
Xaaladda goobaha ay cabashadu ka taagan tahay ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in ay dib u soo cusboonaadaan bannaanbaxyo kale haddii aan xal degdeg ah laga gaarin tabashada la xiriirta dhulka.







