Shirkii labaad ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa diiradda lagu saaraya arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, amniga guud ee dalka, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in qodobada ugu waaweyn ee laga doodayo ay ka mid yihiin:

Hannaanka doorashooyinka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Wax-ka-beddelka Dastuurka, oo dood adag ka taagan tahay, kaddib isbeddelladii ay sameysay Villa Somalia.

Dagaalka Al-Shabaab, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Xasilinta siyaasadda dalka, si looga fogaado khilaaf hor leh.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay is dhaafsadaan doodo adag, maadaama mid kasta uu wato aragti iyo qorshe u gaar ah oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Wajigii koowaad ee shirkan oo dhawaan qabsoomay ayaan wax natiijo muuqata ah kasoo bixin, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada.