Laamaha amniga ee degmada Cabdicasiis ayaa maanta xiray Abwaan Xuseen Xasan Faras, oo kamid ah dadka degan xaafadda Buulo-Maaxaay, kadib bannaanbax saakay ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Abwaanka oo Caan ku ah Shiribka uu hoggaaminayey bannaanbax looga soo horjeeday dowladda federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayey cabashooyin la xiriira burburinta guryo xaafadda Buulo-Maaxaay ee degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in guryahooda si qasab ah loo dumiyey, taasoo sababtay barakac soo wajahay qoysas badan. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in howlaha burburinta ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in xariga Abwaan Xuseen Xasan Faras uu si toos ah u amray Guddoomiyaha degmada Kaaraan, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo arrintaasi xaqiijinaya ama faahfaahin ka bixinaya.

Ilaa hadda, laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira burburinta guryaha iyo khasaaraha ka dhashay.