Shir u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii la isku mari waayay ajandaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo muddooyinkii dambe si weyn u taagnaa. Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in dooddu ay xoogga saartay sida loo wajahayo jadwalka doorashooyinka iyo shuruudaha hordhaca u ah qabashadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku adkeystay in aan laga hadli karin doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ilaa marka hore la qabto doorashooyinka golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha iyo doorashada goleyaasha degaanka ay saldhig u yihiin hannaan doorasho oo dhameystiran, isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo matalaadda heer hoose ka hor inta aan loo gudbin heer qaran.

Dhanka kale, xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inay muujiyeen aragti ka duwan tan madaxtooyada, iyagoo doonayay in si wadajir ah looga wada hadlo dhammaan heerarka doorashooyinka si loo helo is-afgarad siyaasadeed oo dhameystiran,isla markaana la qabto doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.