Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta Shirkii Villa Somalia ka jeediyay khudbad uu si toos ah ugu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka la filayo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre la joogo waqtigii uu qaadan lahaa doorkiisa hoggaamineed si uu dalka uga badbaadiyo jahawareer siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku hareeraysan geeddi-socodka doorashooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda ugu weyn ee RW Xamse ay tahay inuu mideeyo saamileyda siyaasadda, isla markaana horseedo wadahadal lagu gaaro hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay lana fulin karo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in xaaladda gaarka ah ee jirta ay u baahan tahay hoggaan dhexdhexaad ah, maadaama Madaxweynaha xilka haya uu yahay musharax u taagan doorashada soo socota. Sidaas darteed, ayuu yiri, waxaa muhiim ah in Ra’iisul Wasaaruhu muujiyo madax-bannaani siyaasadeed iyo go’aan qaadasho ka tarjumaysa danaha guud ee qaranka, si loo xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.
“Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa la joogaa waqtigii uu badbaadin lahaa dalka, una istaagi lahaa door uu ku xaqiijinayo in doorashooyin heshiis lagu yahay ay dalka ka qabsoomaan,” ayuu yiri Xildhibaanku, isagoo intaas ku daray in khilaafaadka siyaasadeed iyo is-aaminaad darridu ay halis ku yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada inay muujiyaan tanaasul iyo wada-shaqeyn, si looga gudbo caqabadaha taagan. Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan hannaan doorasho oo daah-furan, sharciyad leh, isla markaana ka tarjumaya rabitaanka bulshada.
Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku adkeeyay in mustaqbalka dalka uu ku xirnaan doono sida mas’uuliyiintu uga jawaabaan marxaladdan xasaasiga ah, isagoo ku boorriyay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah si loo gaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dalka ka dhaca waqtigooda.






