Soonka bisha Ramadaan waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, taasoo ku waajib ah qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah, miyir qaba, caafimaadkiisu taam yahay.

Sida Islaamka, dadka raacsan diimaha kale, sida Masiixiyadda, sidoo kale way soomaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira farqi u dhexeeya soonka Muslimka iyo Masiixiyiinta.

Culumo badan ayaa sheegay in waxyaabaha lagu kala duwan yahay ay ka mid yihiin in Muslimiintu ay soomaan 29 ama 30 maalmood, sida uu xaqiijiyey xadiis ka sugnaaday Rasuulka (NNKH) in bisha Islaamku ay tahay 30 ama 29 maalmood, sidaas darteed soomku wuxuu noqon karaa 30 ama 29 maalmood.

Laakin xogtu waxay sidoo kale muujineysaa in sidaas aysan ka jirin diinta Kirishtaanka oo soomkoodu uu ku egyahay 40 maalmood, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in Nebi Ciise (CS) uusan wax cunin 40 maalmood, xilligaasoo la sheegay in uu sadaqeystay oo uu ku tukaday.

Ustaz Murtala Muhammad Gusau oo ah imaamka Masjidka Jimcaha ee magaalada Okenen ee gobolka Kogi ee dalka Nigeria, isla markaana ah madaxa xarunta waxbarashada iyo faafinta diinta Islaamka ee Okene, ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ay aad ugu kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo soonka Masiixiyiinta iyo xitaa Yuhuuda.

“Soonku waa cibaadada Alle iyadoo laga fogaanayo cuntada, cabitaanka iyo galmada, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca.”

Sannad kasta bisha Ramadaan, Muslimiinta caalamka waxay soomaan 29 ama 30 maalmood, taasoo ka duwan soonka 40-ka maalmood ee Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.

Arrinta soonka Masiixiyiinta, Reverend Joseph John Hayab, oo ah guddoomiyaha ururka Kiristaanka ee Nigeria, laantiisa gobolka Katsina, ayaa BBC u sheegay in Kitaabkoodu uu dhigayo inay soomaan.

Waxa uu sheegay in soonku uu qayb weyn ka yahay diinta Kiristaanka, balse uu jiro farqi u dhexeeya sida Masiixiyiinta iyo Muslimiinta sida ay u soomaan.

“Farqiga u dhexeeya Soonka Masiixiyiinta iyo diimaha kale waa in aan maalin walba soono si aan u helno xoog badan oo aan ku raadinno nimcooyinka Eebbe ee nolosheena.”

“Ma hayno waqti gaar ah oo aan ku soomi karno sida Islaamka, ee bisha Ramadaan,” ayuu yiri Reverend John.

“Masiixiyadda haddii aad dooratid inaad soonto, waxay ku xiran tahay sida aad u qorsheyso, uma sameyneyno sida dadka muslimiinta ah ee waqti go’an oo sax ah ama afur ah, markaad casho cuntid oo aad seexato, waxaad soo toosaysaa soonkaaga oo nadiif ah, waxaadna dooran kartaa markaad rabto inaad afurto,” ayuu yiri.

“Waxaan dhihi lahaa inta badan Masiixiyiinta umma soomaan noocaan oo kale, laakiin sida Catholics iyo Anglicans iyo kuwa kale, waxay soomaan waqtiyada Lent ga iyo soonka,” ayuu yiri.

Xigasho Bbc Somalia