Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Maxaa Siciid oo ka tirsan Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka oo shalay gudaha u galay deegaanka ayaa saaka si buuxda u xaqiijiyay amniga, kaddib markii ay ka saareen dhammaan miinooyin iyo walxaha qarxa ee ay halkaasi ku aaseen maleeshiyaadka Al-Shabaab ka hor inta aan laga saarin deegaanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in howlgalku u dhacay si qorsheysan, isla markaana lagu guuleystay in la burburiyo fariisimihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada howlgalka fulinayay.
Xaaladda deegaanka ayaa saaka ah mid deggan, inkastoo inta badan dadkii shacabka ahaa ay horay uga barakaceen cabsi la xiriirta dagaalladii iyo miinooyinka lagu aasay halkaasi. Ciidamada ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo in amniga si buuxda loo sugo, si shacabka barakacay ay ugu soo laabtaan guryahooda.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo xooggan ka waday deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayay fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.






