Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

Soomaaliya waxay garab istaag u muujineysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.

Qaaradda Afrika waa inay midnimo ku wajahdaa argagixisada isla markaana mudnaanta siisaa ilaalinta rayidka.

Cambaareynta dowladda Soomaaliya ee weerarka ka dhacay dalka Nigeria ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya Ciidamadeeda ay dad kudileen Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, isla markaana aan dad loo ciqaabin.