Xoogagga mucaaradka ee ku mideysan Gollaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u diiday dalab ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulan ay la yeesheen Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha.

Kulanka oo goor dhow ku soo idlaaday Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan iyo suurtagalnimada in dib loo furo wada-hadal u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Sida ilo ku dhow dhow kulanka ay xaqiijiyeen, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka codsaday mucaaradka in ay dowladda siiyaan laba maalmood oo wada-tashi ah, si dib loogu qiimeeyo halka uu ka sii socon karo wada-hadalku iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka jira.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa si cad u diiday codsigaas, iyagoo ku xiray in marka hore la aqbalo qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Waxay sheegeen in haddii aan la oggolaan qodobkaas, aysan jiri doonin kulan dambe oo ay la yeeshaan dowladda.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Wasiirku uu fariinta mucaaradka dib ugu celiyay Madaxweynaha, balse natiijadu noqotay in mar kale la isku fahmi waayo qodobada la isku hayo.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa lagu wadaa inay galabta la kulmaan wakiillo ka socda beesha caalamka, si ay uga warbixiyaan halka uu marayo khilaafka siyaasadeed iyo sababaha keenay fashilka wada-hadalladii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa diyaarinaya war-saxaafadeed rasmi ah, kaas oo ay ku faahfaahinayaan aragtidooda ku aaddan fashilka shirka, mas’uuliyadda cidda ay dusha ka saarayaan, iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan